Maxay Man United Ka Aaminsantahay Mustaqbalka Paul Pogba?

Kooxda Man United ayaa aad ugu kalsoon in uu xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xagaaga dambe.

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ayaa dhawaan sheegay in wakhtigii Pogba ee Man United soo dhamaaday waliba xiddigu ka taggi doono kooxda.

Si kasta ha ahaatee xiddiga khadka dhexe ayaa si joogto ah ugu ciyaaray kooxda 1-aad todobaadyadii ugu dambeeyay waliba goolal muhiim ah u dhaliyay kooxda.

Wargayska Mirror ayaa haatan sheegaya in ay Man United ku kalsoontahay in uu xiddiga reer France sii joogi doono kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*