Maxay Liverpool U Baahantahay Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16-ka Ka Hor Kulanka Ajax

Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonta kooxda Ajax kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Liverpool ayaa u baahan in ay ku soo laabato wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Atalanta kulankii hore.

Group-ka ayaa ah mid adag waxana ay Liverpool u baahantahay dadaal dheeraad ah labada kulan ee uga hadhay wareega Group-yada tartanka.

Liverpool ayaa hogaaminaysa Groyup-ka iaga oo leh 9 dhibcood laakiin Ajax iyo Atalanta ayaan wax badan ka dambayn waxana ay leeyihiin min 7 dhibcood.

Liverpool ayaa Todobaadka dambe la ciyaari doonta Ajax waxana ay u baahantahay in ay guul ka gaadho hadii ay doonayso in ay sii noolayso rajadeeda wareega Xiga.

Hadii ay Liverpool ka badiso Ajax waxa ay wali u baahantahay in ay Kooxda Midtjylland ka badiso Ama bar-baro ku qabato Atalanta si ay Liverpool kulanka 5-aad ugu gudubto wareega 16-ka.

Hadii ay Liverpool ka badiso Ajax sidoo kale Atalanta ka badiso Kooxda Midtjylland waxa la isla aadi doonaa kulanka ugu dambeeya markaas oo ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Midtjylland waxana looga baahanyahay in ay kooxdaas ka badiso waxana ay xaqiiqsan doonaan booskooda wareega 16-ka iyaga oo aan waxba ka sugin natiijada kulanka Ajax iyo Atalanta.

2 Comments

    • asc walaalayaal waxa ku filan keliya barbaro waayo atlanta iyo ajax waa isu hareen marka hadii ay barbaro la gasho ajax waxay yeelanee 10 waxana soo baxaya atlanta iyo ajax tii soo badisa iyo liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*