
Madaxa kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ka hadlay mustaqbalka Ronaldo ee Juventus ka dib markii kooxdaas macsalaameeyeen Champion-ka
Juventus ayaa xalay ka hartay Champion-ka waxaana ka ciribtirtay Lyon oo iska xaadirisay Champion-ka
Ka dib dhacadaas waxaa durba warbaahinta soo daabaceen in Ronaldo uu qorsheynayo in uu ka huleelo Juventus waliba uu aado PSG .
Sky Sports ayuu Andrea Agnelli ka yiri ” waxaan ku qanacsanahay in Ronaldo uu sii joogayo Juventus”.
” Ronaldo meel uma socdo , waxa uu diiradda saarayaa Juventus” ayuu sii raaciyay madaxa kooxdaas ee Andrea Agnelli
Waxaa xusid mudan in Ronaldo oo Juve u yimid xagaagii 2018-da uu si weyn uga careysan yahay xaaladda kooxdaas inkastoo horyaalka Italy ku guuleysteen balse laba Champion ayuu kula haray.
Be the first to comment