Maxay Barcelona Ka Damacsan Tahay Weeraryahankooda Antoine Griezmann?

Inkastoo qarankiisa uu la soo bandhigayo heer ciyaareed wacan, hadana waxaa la soo xiganayaa in Barcelona ka fikarayaan in xagaagaan iibiyaan Antoine Griezmann.

Barcelona waxa ay ka sheeganeysaa dhibaato dhaqaale  oo deyman ayaa isu dul saarmay taasi oo kor u dhaafeysa hal bilyan  oo euro

Wargeyska As ayaa sheegaya in Barcelona diyaar u tahay in ay ka taqalusaan mushaarka qaaliga ee wiilka reer France .

Wargeyska waxa uu xusayaa in Barcelona ay laacibkaan ku doonayaan haatan lacag u dhaw 120 milyan oo euro waana isla qiimihii laba sano ka hor ayay kaga soo iibsadeen Atletico Madrid

Sababta Barca uga fikarayaan iibkiisa kaliya waxaa lagu sheegay ka faa`ideysiga qiimaha uu suuqa ka jooga iyo deymaha isu dul fuulay kooxda

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*