Maxay Aheyd Sababtii Pogba Loo Badalay Kulankii Granada Ee Europa League?

Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa ka hadlay sababtii uu u badalay Pogba kulankii Granada .

United ayaa laba gool uga talaabsatay kooxda reer Spain oo ay wada ciyaarayeen lugta labaad ee quater finalka Europa League

“Guushaan waxaan ka qaadnay kalsooni waayo ciyaar adag ayay aheyd , Garanda-na jir ahaan aad ayay u xoogaanayeen , haatan waxaan diyaar u nahaya kulanka horyaalka ee Burnley”.

Sababta uu Pogba u badalay ayuu macalin Ole Gunner yiri ” mararka qaar waxa uu Pogba jecel yahay in uu badiyo , dhowr qalad ayuu sameeyay kulankaan ka dib kaarkii digniinta ee loo taagay, ka dib waxaan dareemay in aysan wacneyn in aan ku qamaaro si uu kaarka casaanka u qaato”.

” Si wacn ayuu Pogba u ciyaaray” ayuuu ku sii daray Ole Gunner , waxaan xusid mudan in Pogba la badalay soo laabashii nasiinada .

Kulanka Roma waxa uu ka yiri macalinka ” inta badan ma daawan ciyaartooda balse waxaan ogahay in labadii kulan ee Ajax in si wacan u ciyaareen balse waxaan hamineynaa in aan ka gudubno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*