Maxay Ahayd Fariintii Uu Jurgen Klopp U Diray Caawiyihiisa Kuna Saabsanayd Man City, Goorma Ayuuse Diray.

Caawiyaha Liverpool Pep Lijnders ayaa shaaca ka qaaday waqtiga kaliya ee Jurgen Klopp uu xusay Manchester City xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa sanadihii ugu dambeeyay Man City kula tartamaysay horyaalka iyaga oo waliba xilli ciyaareedkan ka qaaday koobka horyaalka premier League.

Ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka ayaa la hubay tan ilaa bilowgii sanadka 2020.

Lijnders ayaana qirtay in ay bishii January ahayd markii uu Klopp fariinta u diray Man City kadib markii ay guuldaro la kulantay kulan muhiim ah.

Si kasta ha ahaatee tababaraha Liverpoo ayaa doonayay in ayna xiddigaha kooxdiisu wakhti hore hadal qaadin horyaalka.

“Marna maanu soo hadal qaadin Man City, ma garan karo xiddigaha dhexdooda laakiin ma sawiran karo arintaas hadii aan runta ka hadlo, halka mar ee aan xasuurto ayaa ahayd markii uu Klopp fariin ii soo diray”.

“Waxa uu ii sheegay in ay City guuldaro la kulantay, waxa ay ahayd bishii January”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*