Maxay Ahayd Fariintii Ay Xiddigaha Germany Direen Ka Hor Kulankii Japan, Maxay Ka Turjumaysaa Gacanta Ay Afka Saareen.

Xiddigaha xulka Germany ayaa qaaday tallabo ka yaabisay adduunka isla markaas dad badan is waydiinayaan sababta ka dambaysa ka hor kulankii Japan.

Xiddigaha Germany ayaa dhamaantood afka gacanta saaray markii ay galayeen sawirkii ka horeeyay kulanka iyada oo dhamaan xiddiguhu ka midaysnaayeen.

Xidhiidhka Germany ayaa warbixin soo saaray kadib ciyaarta waxana ay ku sharaxeen sababta ka dambaysa tallabadii ay qaadeen xiddigaha xulka Germany.

Xidhiidhka Germany ayaa warbixin ku soo saaray iyaga oo qoray”Ma ahayn fariin siyaasadeen, laakiin xuquuqda aadamaha waa mid ayna ahayn in hadal laga keeno”.

“Waxa ay ahayd in ay cid walba sinaato laakiin arintaas ma dhicin waana sababta ay fariintan muhiim noogu tahay”.

“In ay Dawlada Qatar iyo FIFA noo diidaan in aan xidhano calaamada waxa ay ahayd mid naloogu diiday hadalkeena xorta ah”ayay sii raaciyeen.

Calaamada ay ka hadlayaan ayaa ah in ay FIFA u diiday xulalka reer Galbeedka in ay xidhaan calaamada lagu taageerayo Qoomu luudka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*