Maxaa Xiga Haatan? Borussia Dortmund Oo Qaaday Talaabo Cadaynaysa In Uu Jadon Sanco Sii Joogi Doono Kooxda

Sidii la filayay xiddiga Jadon Sancho ayaa Borussia Dortmund ula safray Switzerland oo ay kooxdu isugu diyaarin doonto xilli ciyaareedka cusub.

20 jirkan ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Man United xilli ay Red Devils isku dayayso in ay hoos u dhigto qiimaha ay Dortmund ku doonayso xiddiga.

Sancho ayaa bilowgii todobaadkan joogay England laakiin xiddiga ayaa haatan kooxdiisa ula safray Switzerland oo ay kooxdu isugu diyaarin doonto xilli ciyaareedkan.

Raacista Sancho ee kooxda inteeda kale ayaa la macno ah in ay dhaaftay wakhtigii ay Dortmund u qabatay United bilowgii bishan.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 108 milyan oo euro halka ay Man United diidantahay in ay bixiso wax ka badan 80 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*