Maxaa Ka Jira Waraka Arsenal La Xidhiidhinaya Serge Gnabry? Fabrizio Romano Ayaa Ka Jawaaabay.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ayna kooxda Arsenal wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich ee Serge Gnabry.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay so baxaya warar sheegaya in ay Arsenal doonayso saxiixa xiddigeedii hore ee Serge Gnabry kaas oo la filayo in uu isaga tago Bayern Munich.

Serge Gnabry ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Bayern Munich waxana la filayaa in ay kooxdu iska iibiso xagaagan halkii ay xor ku waayi lahayd.

Si kasta ha ahaatee Romano ayaa sheegay in ayna Arsenal haatan ka shaqaynayn saxiixa xiddiga Serge Gnabry isla markaasna ayna wax xiiso ah u qabin saxiixiisa.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Arsenal diirada saarayso bartilmaameedyada kale oo ayna wax niyad ah u hayn in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigeedii hore.