Maxaa Ka Jira In Man City Ku Guuleysatay Saxiixa Jack Grealish?

Kooxda Man city ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda Aston Villa kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish iyada oo ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 88 milyan oo euro.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyareedkii hore isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale 27 kulan oo uu ciyaaray.

Wararka Grealish la xidhiidhinaya Man city ayaa sii xoogaysanaya iyada oo kooxdu hogaa ka u hayso baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga.

Sida laga soo Xigtay CaughtOffside kooxda Man city ayaa ku dhawaaqi doonta saxiixa xiddiga kadib dhamaadka tartanka Euro 2020.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe qalinka ku duugi doono heshiis ilaa xagaaga 2026.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*