Maxaa Ka Jira In Kylian Mbappe Muslim Yahay , Ogoow Xaqiiqda

Hooyadisi waa Algerian , saaxibkiisa ugu dhawna waa Morocan , Kylian Mbappé ayaa dad badan kaga yaabsaday shaacinta diinta uu aamisan yahay

Kama aan bad badin haddii aan iraahdo Kylian Mbappé waa mid ka mid ah xiddigaha kubadda cagta ugu fiican dunida , magaciisa haatan saxaafadda ayuu haystaa waxaana u sabab ah mustaqbalkiisa PSG oo aan weli kala cadeyn waxaana la isla dhex marayaa in hishiis cusub saxiixayo iyo in Real uu u wareefayo .

Balse dulucda muuqaalkaan ugama hadleyno heer ciyaareedka laacibka balse waxaan milicsaneynaa su`aal dad badan iska weydiiyaan diinta uu haysto Kylian Mbappé ?

Toloow ma muslim baa sida dad badan filanayaan marka la eego ciyaartooyda ku xeeran ? marka hore aynu isku racno in hooyada Kylian Mbappé ay tahay Fayzah Alcamari Algerian la sheega in diinta islaamka ay haystato balse aabaha Kylian Mbappé ee Wilfred uu haysto diinta masiixiyadda , sheekadaan kaga bogo muuqaalka hoose