Maxaa Ka Cusub Xaalada Karim Benzema Ka Hor Soo Laabashada Kulamada Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ka soo saartay xaalada kabtankeeda Karim Benzema ka hor soo laabashada ciyaaraha kooxaha todobaadka dambe.

Karim Benzema ayaa dhaawac uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay kooxdiisa isaga oo aan ciyaarin tan ilaa bilowgii bishan haatan lagu jiro.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uu Benzema ka soo laabtay dhaawacii uu kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa baraha bulshada soo dhigtay sawir ay ku muujinayso in uu Karim Benzema ku soo laabtay tababarka ka hor bilaabashada Real Madrid ee kulamada.

Warkan ayaa ah mid u fiican Real Madrid marka la eego in ay kooxdu kulamo muhiim ah ciyaari doonto todobaadyada soo socda tartamada oo dhan.