Maxaa Ka Cusub Hishiis Kordhinta Messi Ee Barcelona, Camp Nou War Ayaa Ka Soo Yeeray!

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa farriin niyad dhis  ah u diray taageerayaasha Barca oo ku aadan mustaqbalka Messi

Messi ayaa haatan xor ah oo kooxda uu doono la xaajoon kara ka dib markii  bishii hore uu dhamaaday hishiiskiisa Camp Nou

Laporte ayaa hoosta ka xariiqay in wada xaajoodka hishiis kordhinta Messi ay mareyso meel wacan waliba hor mar laga sameeyay saacadihii la soo dhaafay

Barca ayaa hamineysa in hishiis  cusub ka saxiixdaan Messi labada todobaad ee soo socda , waxaana wiilkaan reer Argentina si weyn u doonaya kooxo ay ka mid yihiin PSG iyo Man City

Barca waxaa lagu qasabayaa in hoos u dhigaan mushaaraadka ay bixinayaan  xilli ciyareedka bilaabanaya waan midda keentay in dib u dhac ku yimaado qandaraas kordhinta Messi

“Wax mustaxiil ah ma jiraan , wadahadalka hishiis kordhinta Messi hormar wacan ayaa laga gaaray” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Barclona ee Laporte inakstoo uusan sheegin goorta qalinka iyo warqadda uu is dulsaarayo laacibka

Laacibkaas 33 sano  jirka ah ayaa Barca u dhaliyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay 38 gool ka dib 47 kulan dhamaan tartamada, waxa uuna sabtidii qarankiisa Argentina markii ugu horeeysay la qaaday Copa America xilligaas oo ay hal gool ku garaaceen Brazil.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*