Maxaa Ka Cusub Baacsigii Arsenal Ee Thomas Party , Weli Wax Hormar Ah Ma Ka Sameeyeen?

Kooxda Atletico Madrid ayaa weli diidan in Arsenal si sahal ah ku helaan qadkooda dhexe ee Thomas Party kaasi oo ay kooxdaas reer Ingiriis muddo baacsaneyso .

Atletico ayaa la xusayaa in Arsenal ay ku war giliyeen in aysan waqtiga iska lumin haddii aysan miiska saari karin aduun dhan 45 milyan oo euro , waxa ayna dadka suuqa turxaan bixiya ku tilmaameen arintaan mid  kooxda La Ligaha ku doonayaan in Arsenal kaga hor istaagaan isku daygooda saxiixa Party .

Wiilkaas reer Ghana ayaa la xusayaa in hishiiskiisa Atletico uu weli ka harsan yahay muddo sedex sano ah waliba uu diyaar u yahay dhankiisa in uu soo sameeyo tijaabo cusub oo ka baxsan La Ligaha .

Warar kale ayaa tilmaamaya  in Arsenal ka fikirayaan in hishiiska Party ku  soo daraan xiddigooda Lucas Torreira si ay u fudadaato in ay la soo wareegaan Party .

Torreira ayaa weli Arsenal wax kulan ah u safan xilli ciyaareedkaan waxaana suura gal ah in uu baxo inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*