Maxaa Igu Watay? Xiddig Iska Diiday Liverpool Suuqii Xagaaga Oo Ka Shalaynaya In Uu Diiday Ku Biirista Reds, Sabab.

Laacibka khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi ayaa lagu eedeeyay inuu ka qoomameynayo go’aankii uu ku diiday inuu xagaaga u wareego Liverpool xilli ay kooxdiisu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Inkastoo ay sidoo kale xiiseynayeen kooxaha sida Barcelona iyo Arsenal, 25-sano jirkaan ayaa u muuqday mid qarka u saaran inuu u dhaqaaqo dhanka Arne Slot xagaagii.

Real Sociedad ayaan awood u lahaateen in ay joojiso xiddiga maadama ay Liverpool diyaar u ahayd in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Zubimendi ayaa iska diiday in uu ku biiro Liverpoool waxana uu go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa.

Laakiin kooxda Real Sociedad ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo kaliya badiyay hal kulan 6-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka La Liga.

Sida laga soo xigtay Estadio Deportivo, Zubimendi ayaa ka Qoomamaynaya in uu iska diiday Liverpool suuqii xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 25 jirka ah haatan doonayo in uu ku biiro Liverpool suuqa January hadii ay Reds dib u soo cusboonaysiiso xiisihiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga