Mawqifka Cristiano Ronaldo Ee Ka Tagista Juventus Oo La Ogaaday, Miyuu Ku Biirayaa United.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in uu xiddiga Cristiano Ronaldo isaga tagayo kooxda Juventus iyada oo kooxdiisu diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska AS ayaa sheegay in ayna wararkaas waxba ka jirin oo uuna Ronaldo qorshaynayn in uu isaga tago kooxda wakhti dhaw waliba ku faraxsanyahay.

Isla wargayska ayaa sheegaya in qoyska Cristiano Si fiican ula qabsadeen Italy sidaas darteed uu xiddigu qorshaynayo in uu dhamaysto heshiiskiisa.

Warkan ayaa dhirbaax ku ah kooxda Man United kuwaas oo haatanba dalab ka gudbiyay xiddiga 35 jirka ah si ay ugu soo celiyaan Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*