Mauricio Pochettino Oo Weerarkiisa Ugu Horeeya Ee Suuqa Ku Qaadaya Man City.

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa bartilmaameedsanaya xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguaro sida uu sheegay wakiilka lagu magacaabo Bruno Satin.

Aguero ayaa ku jira 6-dii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Man City ilaa haatana wax heshiis cusub ah lama gaadhin City.

Bruno Satin oo wakiil u ah xiddigo kubada cagta ah ayaa sheegaya in uu tababare Pochettino maamulka kooxda PSG ka dalbaday in uu ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Stin oo la hadlaya Canal+ ayaa yidhi”Mauricio Pochettino waxa ka go’an in uu Aguero ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee PSG”.

Isla wakiilka ayaa sheegay in ay maamulka PSG ogolaadeen waliba muhiimada 1-aad siinayaan la saxiixashada Aguero wakhtiga soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*