Mauricio Pochettino Oo Koobkiisii Ugu Horeeyay Ku Guulaystay Kulankiisii 2-aad Ee Uu Hogaamiyay PSG.

Tababaraha cusub ee kooxda PSG Mauricio Pochettino Ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka France Super Cup kadibmarkii ay garaaceen kooxda Marseille.

Kulanka ayaa ahaa kulankii 2-aad ee uu tababare Mauricio Pochettino hogaamiyay kooxda PSG tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.

Tababaraha reer Argentine ayaa sidaas darteed ku guulaystay koobkiisii ugu horeeyay ee xirfadiisa tababaranimo kadib marar badan oo uu ku fashilmay.

Goolal ay uu dhaliyay xiddiga Mauro Icardi ayaa kooxda PSG ku hogaamiyay in ay Tababare Mauricio Pochettino ku hogaamiso koobkisii ugu horeeyay ee Tababaranimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*