Mauricio Pochettino Oo Ka Hadlay Xaalada Kylian Mbappe Ka Hor Kulanka Man City, Maxaa Cusub?

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay xaalada xiddiga Kylian Mbappe ka hor kulanka Man City ee lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Kylain Mbappe ayaa dhaawac uga maqnaa tababarka kooxda maalmihii ugu dambeeyay taas oo shaki galisay ciyaaristiisa kulanka Man City ee habeen dambe.

Mauricio Pochettino oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka hore waa in aan xaaladiisa qiimayno, maanta waxa uu tababarka u qaatay qaab kali ah kadib waxa aan eegi doonaa in uu kooxda la qaadan karo tababarka”.

“Waxa noo hadhay saacado sidaas darteed go’aanka kama dambaysta ah waxa aan qaadan doonaa maalinta Bari ah marka aan la tashano waacda caafimaadka”.

Koxda PSG ayaa la kulantay guuldaro 2/1 ah waxana ay isha ku haysaa in ay iska xaadiriso final-ka champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*