Mauricio Pochettino Oo Ka Hadlay Fursadaha Lionel Messi Ee Ka Hor Tagista Man City Kulanka Caawa.

Tababaraha Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu ku jiri doono kooxda wajihi doonta Manchester City kulanka caawa ee champions League.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa seegay labadii kulan ee Metz iyo Montpellier kadib markii uu ka dhaawacmay jilibka lugta Midig kulankii Lyon ee ka horeeyay.

Laakiin Pochettino ayaa sheegay in uu Messi si fiican u soo kabsaday waliba uu taam u noqon doono in uu ka qayb noqd kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City.

Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ciyaarta ee Isniintii ayuu yidhi”Waxaan sugi doonaa ilaa berri si aan u xaqiijinno kuwa ka qeybgalaya”.

“Miyaan xaqiijin karaa in Messi halkaas joogi doono Talaadada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*