Mauricio Pochettino Oo Dagaal Culus Dhexdhigay Kooxaha Man United & Man City.

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa dagaal adag dhex dhigay kooxaha isku magaalada ah ee Man United iyo Man City iyaga oo doonaya in ay ku kal badalaan tababarayaasha haatan hogaamiya.

Kooxda Man City ayaa bartilmaameed ka dhigatay Mauricio Pochettino sabab la xidhiidha in ay ka cabsi qabato in uu Pep Guardiola ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Pep Guardiola ee Man City ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana wax heshiis ah lama gaadhin heshiis kordhinta kooxda.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa la filayaa in ay shaqada ka caydhiso tababare Ole Gunnar Solskjaer hadii ay sii socdaan naftiijooyinka xun ee kooxda.

Sidaas darteed kooxaha jaarka ah ee Man United iyo Man City ayaa isku baacsanaya tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Tababaraha reer Argentine ee Mauricio Pochettino ayaa bilaa koox ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Tottenham bishii November ee sanadkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*