Matthijs de Ligt Oo Go’aan Ka Gaadhay U Dhaqaaqista Man United.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu u saxiixo kooxda Man United.

De Ligt ayaa kusoo bilowday 61 kulan iyo 12 badel intii lagu jiray labadii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa Allianz Arena, isaga oo la shaqeeyay tababarayaal kala duwan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si weyn loo hadal hayay in Man United ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands, kaasoo aan ku cusbeyn tababare Erik ten Hag.

Labada Nin ayaa horay uga soo wada shaqeeyay Ajax ka hor inta uusan De Ligt lacag badan ugu wareegin Juventus 2019, iyadoo Ten Hag uu ku haray Amsterdam seddex sano oo dheeri ah.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, De Ligt ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga