Matteo Guendouzi Oo Arsenal Ka Caawin Kar Saxiixa Philippe Coutinho

Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa inuu ku biiro Arsenal – laakiin Barcelona ayaa weydiisan doonta ciyaaryahanka qadka dhexe Matteo Guendouzi in lagu daro heshiiska.

Xiddiga reer Brazil ayaa noqday bartilmaameedka tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta kaas oo doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa ka hor xilli ciyaareedka dambe.

Kadib markii uu xilli ciyaareedka amaah ku qaatay Bayern Munich xiddiga 28 jirka ah ayaa la filayaa in si toos ah loo iibiyo xagaagan kadib markii uu boos ka waayay barcelona.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in ay Barcelona dalbatay in ay xiddiga reer France ee Matteo Guendouzi hesho badalka Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa doonaya in uu ku soo laabto premier League oo uu wakhti fician kula soo qaatay Liverpool muddo 5 sano ah.

Matteo Guendouzi oo arsenal ku soo biiray xagaagii hore ayaa taageero weyn ka haysta madaxda kooxda Barcelona kuwaas oo u arag badalka mustaqbalka fog ee Sergio Busquets.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*