Mateo Kovacic Oo Chelsea Ka maqnaan Doona Kulanka Watford, Maxay Tahay Sababtu?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Mateo Kovacic ayaa seegi doona kulanka ay kooxda chelsea Stamford Bridge ku marti galin doonto kooxda Watford kulan ka tirsan premier League.

Xiddiga reer Croatia ayaa kulanka ku seegi doona dhaawac ka soo gaadhay kulankii Arbacadii ay Blues guuldarada kala kulantay West Ham.

Xiddiga ayuu dhaawac cidhibta ah ka soo gaadhay kulankii West Ham ee Ay Blues guuldarada 3/2 ah kala kulantay kooxda West Ham.

Mateo Kovacic ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu seegi karo labada kulan ee soo socda sabab la xidhiidha dhaawaca cidhibta ah ee soo gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*