Mat Ryan Oo Isku Qoray Taariikhda Arsenal & Kooxda Oo U Dabaal Dagtay Rikoodhkaas.

Goohaye Mat Ryan ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda Arsenal kulankii Premier League ee ay Gunners guuldarada kala kulantay kooxda Aston Villa.

Mat Ryan ayaa ku bilowday shaxda Gunners kadib markii uu ganaax uga maqnaa Goolhayaha 1-aad ee Bernd Leno kaas oo kaadhka cas qaatay kulankii Wolves.

Kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay ciyaaray Mat Ryan ayaa noqday xiddigii 880-aad ee Matala kooxda Arsenal horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa bogeeda Twitter-ka ugu dabaal dagtay rikoodhka Goolhaye Mat Ryan iyaga oo soo dhigay muuqaal uu tababar qadanayo Goolhayuhu iyaga oo ku qray”Xiddigii 880-aad ee Matala Arsenal”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*