Mat Ryan Oo Albaabka Dambe Ka Galay Taariikhda Arsenal Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Uu Ku Bilowday Shaxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Aston Villa ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Gunners kulan ka dhacay Villa Park kana tirsanaa horyaalka premier League.

Aston Villa ayaa goolka dhalisay daqiqiadii 1:14 Goolhaye Mat Ryan ayaana noqday Goolhayihii 4-aad ee gool laga dhaliyo 2-da daqiiqo ee ugu horaysa kulankiisii ugu horeeyay ee uu shaxda ku bilowday taariikhda Horyaalka Premier League.

Goolhaye Mat Ryan ayaa ku bilowday shaxda Gunners kadib markii ay kooxdu ganaax ku wayday Goolhayaha 1-aad ee Bernd Leno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*