Mat Ryan Mise Alex Runarsson? Mikel Arteta Oo Go’aamiyay Goolhayaha Ku Bilaabn Doona Kulanka Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa go’aansaday Goolhayaha uu ku bilaabi doono shaxdiisa kulanka Aston Villa ee Sabtida maadma auu Goolhaye Bernd Leno Ganaax ku seegi doono kulanka.

Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu ku bilaabo shaxdiisa Goolhaye Mat Ryan kaas oo kooxda ku soo biiray suuqii January si uu badal ugu noqdo Bernd Leno.

Kooxda Arsenal ayaa waayi doonta adeega Goolhayeheeda 1-aad kadib markii uu kaadhak cas qaatay kulankii Wolves ee horyaalka premier League.

Goolhaye Alex Runarsson ayaa badal ku soo galay kulankii Wolves kadib markii ciyaarta laga saaray Bernd Leno isaga oo sameeyay badbaadino cajiib ah laakiin waxa uu shaki ku jiraa awoodiisa kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay kulankii Carabao cup-ka.

Alex Runarsson ayaa khaladaad waali ah sameeyay kulankii Man City ee Carabao cup-ka taas oo keentay in ay kooxdu suuqii January la soo saxiixato Goolhaye cusub.

Ryna aya aqaab amaah ah ugu soo biirayy kooxda si uu ugu noqdo badalka Leno iyada oo Alex Runarsson laga dhigay Goolhayaha 3-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*