Masuuliyiin Euro 2020 Oo Qaaday Talaabo ka Dhan Ah Xiddigaha Muslimiinta Ah, Maxay Samaynayaa?

Qaban qaabiyeyaasha Euro 2020 ayaa joojin doona inay dhalooyinka khamriga ah ee Heineken hor dhigaan xiddigaha Muslimiinta ah kadib markii uu Paul Pogba todobaadkii hore iska hor qaaday dhalo khamri ah xilli uu ku jiray shirkii ka dambeeyay kulan xulkiisa ah.

Haatan xiddigaha iyo tababarayaasha ayaa la waydiin doonaa in ay raali ka yihiin in la hor dhigo dhaloocyinka khamriga ah ee Heineken ka hor inta ayna bilaaban shirarku gaar ahaan xiddigaha muslim-ka ah sida laga soo xigtay wargayska The Telegraph.

Xiddigaha ka qayb galaya tartanka Euro 2020 ayaa u midoobay in ay iska hor qaadaan dhalooyinka sharaabyada kala duwan iyada oo uu xiddiga Portugal ee Cristiano Ronaldo iska hor qaaday dhalo sharaabka Coca-Cola ah kuna badalay biyo caadi ah.

Dhanka kale xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba oo Muslim ah ayaa sidoo kale iska hor qaaday dhalo khamri ah oo meesha loo dhigay xayaysiis isaga oo ku daayay biyo iyo sharaabka Coca-Cola.

Haatan UEFA ayaa go’aansatay in xiddigaha muslim-ka ah laga daayo in la hor dhigo dhalooyinka khamriga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*