Masiibo Barcelona Ku Soo Wajahan & 7 Xiddig Oo Ay Waayi Karto Kulamada Soo Socda

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona kala badh kooxdeeda ganaax ku waayi karto kulamada soo socda ee horyaalka La Liga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay jiraan 7 xiddig oo halis ugu jira in ay ganaax ku seegaan kulamada kooxda hadii ay Kaadhka Diginiinta ah qaataan kulanka Villarreal ee horyaalka La Liga.

7 Xiddig ee halista ku jira ayaa ka mid ah 18-ka xiddig ee kooxda 1-aad waliba sida joogtada ah ugu ciyaara kooxda kulamada.

Xiddigahaas ayaa dhamaantood wada haysta ama horay loogu taagay 4 kaadh oo digniin ah waxana ka mid ah xiddigaha Lionel Messi, Luis Suarez, Gerrad Pique, Arthur Melo, Arturo Vidal, Martin Braithwaite, Juniro Firpo iyo Ivan Rakitic.

Waxa intaas sii dheer in uu kulanka Villarreal yahay mid ku adag Barcelona oo uuna tababaraha kooxdu xiddigaha ugu muhiimsan kooxda fadhiisin karin ama si uu uga ilaaliyo kaadhka dingiinta ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*