Masiibada Dhaawacyada Liverpool Oo Sii Socota & Xiddig Kale OO Muhiim Ah Oo Sheegay In Uu Dhaawacmay.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee daafaca ahaa ee ka dhaacmay kooxda Liverpool kadib markii uu xiddiga reer Scotland xaqiijiyay in uu dhaawacmay intii lagu jiray kulankii uu xulkiisu la ciyaarayay Serbia.

Andy Robertson ayaa Scotland ka caawiyay in ay u soo baxdo tartanka Euro-da kadib guul rikoodhayaal ah oo ay ka gaadheen xulka Serbia.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartu Andy Robertson ayaa u sheegay wargayska Liverpool”Waxaan dareemay xanuun muruqa ah inta lagu guda jiray ciyaarta”.

“Muruqyada jilibka bidix ayaan in yar I xanuunay qaybtii 2-aad ee wakhtiga dheerigi ahaa waxan u malaynayaa in daal kaliya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*