Masiibada Dhaawacyada Eden Hazard Oo Sii Socota, Xiddig Oo Mar Kale Dhaawacmay & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday

Masiibada dhaawacyada xiddiga Eden Hazard ayaa sii socota iyada oo uu xiddigu mar kale dhaawcmay.

Eden Hazard ayaa ka dhaawacmay muruqa waxana la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysay 4 ilaa 6 todobaad.

Sidaas darteed Hazard ayaa seegi doona kulanka lugta 1-aad ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Atalanta isaga oo ku soo laaban doona lugta 1-aad.

Hazard ayaaa ka qayb qaatay tababarkii Salaasadii laakiin seegay tabaabrkii Arbacada waxana uu wargayska Marca sheegayaa in uu xiddigu ka tagay tababarka isaga oo dhamaysan.

Idaacada COPE ayaa intaas ku daraysa in uu Hazard maray baadhitaano Arbacadii laguna ogaaday dhaawac muruqa ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*