Masiibada Dhaawacyada Eden Hazard Oo Sii Socota, Imisa Jeer Ayuu Dhaawacmay Xilli Ciyaareedkan?

Waxa ay u muuqataa in masiibada dhaawacyada ee Eden Hazard sii socoto tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda iyada oo uu xiddiga reer Belguim ku dhibaatoonayo in uu 3 kulan oo xidhiidh ah u ciyaaro kooxda.

Kaliya 3 bilood oo xilli ciyaareedkan ah Eden Hazard ayaa dhaawacmay 3 jeer taas oo dhaawacyada guud tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray ka dhigaysa 7 jeer.

Dhaawaciisii ugu dambeeyay ayaa yimid kulankii Alaves oo uu ku dhaawacmay qabtii hore ee ciyaarta.

Hazard ayaa kaliya ciyaaray 6 kulan oo ka mid ah 14 kulan oo ay Real Madrid ciyaartay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaawac uga maqnaa 70 maalin xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaan Ka Tirsan Somaliya Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargiesa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*