Masiibada Dhaawacyada Barcelona Oo Sii Socota Xiddig Dhawaan Dhaawac Ka Soo Laabtay Oo Dib U Dhaawacmay.

Masiibada dhaawacyada Barcelona ayaa sii socota iyada oo kooxdu dhaawac kale ku wayday xiddiga Ansu Fati kaas oo badal ku soo galay kulankii Copa del Rey-ga ee ay guuldarada kala kulmeen kooxda Athletic Bilbao.

Ansu ayaa badal ku soo galay ciyaarta laakiin waxa uu dhaawac uga baxay daqiiqadii 96-aad ee qaybtii dheeriga ahayd ee lagu daray ciyaarta isaga oo ciyaarta ka baxay isaga oo ooyaya.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiu ka dhaawacmay muruqa lugta Bidix taas oo keentay in uu ciyaarta sii wadan kari waayo isla markaas badal lagu sameeyo.

Barcelona ayaan xaqiijin mudada uu xiddiga Fati garoomada ka maqnaan doono waxana ay maanta samayn doontaa baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Waxa xusid mudan in uu Fati garooma dhaawac uga maqnaa muddo 2 bilood iyo badh ah waana isla dhaawacii uu mudada uga maqnaa midkii soo gaadhay kulankii xalay.