Masiibada Dhaawacyada Barcelona Oo Sii Socota, Eric Garcia Oo Dhaawacmay & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Eric Garcia kaas oo ku dhaawacmay kulankii ay Barcelona bar-baraha la gashay Granada horyaalka La Liga.

Daafaca dhexe ee Eric Garcia ayaa ku bilowday shaxda Barcelona laakiin xiddiga ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta daqiqiadii 54-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Clement Lenglet.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijiday in maanta baadhitaan lagu sameeyay xiddiga si loo ogaado dhaawaca xiddiga soo gaadhay iyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa bawdada lugta Midig intii uu socday kulankii Granada ee horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Eric Garcia garoomada ka maqnaan doono muddo 5 todobaad ah si uu uga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.