Martinez, Thiago, Sancho, Sanchez, Kante, Coutinho, Havertz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Valencia ayaa ku adkeysaneysa lacagta ay doonayaan in ay ku iibiyaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Ferran Torres, oo 21 jir ah, iyadoo Manchester City ay isha ku heyso inay la soo wareegto xiddiga (Telegraph).

Chelsea ayaa daawanaysay daafaca Atletico Madrid iyo xulka Uruguay Jose Gimenez, oo 25 jir ah, iyadoo tababare Frank Lampard uu doonayo inuu wax ka qabto daafaciisa liita ee kooxdiisa (Telegraph).

Xiddiga cusub ee kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Kai Havertz ku wajahan yahay Chelsea (Maik).

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii 8 milyan mushahar ahaan ugu qaadan doono (Nicolo Schira).

Xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu joojiyo wadahadalada uu kula jiro Arsenal inta uu ka dhamaanayo champions League (Express).

Bayern Munich ayaa sheegtay in uuna xiddiga Thiago Alcantara si jaban uga tagi doonin kooxda xilli uu ku dhawyahay Liverpool (Metro).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa isaga tagaya kooxda Blues isaga ku wajahan kooxda Inter Milan (Star).

Kooxda Inter Milan ayaa kooxda Man United u soo bandhigaysa xiddiga Ivan Perisic si ay ugu badashaan xiddiga Alexis Sanchez suuqa xagaaga (Calciomercato).

Sergio Romero ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaaga (Metro).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Jadon Sancho kana iibiso United laakiin waa hadii ay hesho qiimo sax ah (Independent).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca Bidix ee kooxda Rea Betis ee Aïssa Mandi (Estadio Deportivo).

Xiddiga Thiago Alcantara ayaa mustaqbalkiisa ku arka kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe (Abendzeitung).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iibiso 12 xiddig si ay xagaaga ula soo saxiixato xiddiga Lautaro Martinez (Sports Mole).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in uu Riyad Mahrez kooxda ka caawiyo in ay kooxdu la soo saxiixato xididga reer Algeria ee Ismael Bennacer (Sports Mole).

Kooxda Man United ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro daafaca Alex Telles iyaga oo kula biiray tartankiisa kooxda chelsea (Record).

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ay bixiso lacag dhan 36 milyan oo euro hadii ay doonayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fc Porto ee Danilo Pereira (Sports Mole).

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*