Martin Zubimendi Oo Sharaxay Sababtii Uu U Diiday Ku Biirista Liverpool Suuqii Xagaaga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Martin Zubimendi ayaa sheegay in Real Sociedad ay tahay ‘noloshiisa’ markii wax laga weydiiyay go’aankii uu ku diiday inuu baxo intii lagu jiray suuqii xagaaga.

25 jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo Real Sociedad intii lagu jiray suuqii dhawaa, iyadoo Barcelona, ​​Manchester United iyo Arsenal la sheegay inay xiiseeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha ugu xoogan ee xilli dambe ee suuqa ayaa ka yimid Liverpool, iyadoo Reds loo maleynayo inay u aqoonsatay xiddiga reer Spain inuu yahay bartilmaameedka ugu horeeya ee booska daafaca ee khadka dhexe.

Reds ayaa la rumeysan yahay in ay bixisay lacagta 51 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa laakiin xiddiga ayaa diiday in uu ku biiro kooxda Liverpool.

Waxaa jiray warar sheegaya in Zubimendi qoyskiisa iyo asxaabtiisa ay ku cadaadiyeen inuu ka sii mid ahaado La Real, laakiin ku guuleystay Euro 2024 ayaa ku adkeystay inuu qaatay go’aankii ugu dambeeyay ee mustaqbalkiisa.

“Maya, maya, saaxiibadeyda way cadahay in wax kasta oo aan go’aansado [mustaqbalkeyga] uu noqon doono kan ugu fiican,” Zubimendi ayaa u sheegay Marca.

“Ma jiro cadaadis si kastaba ha ahaatee”.

“Real Sociedad aniga ahaan waa noloshayda, waxaan u maleynayaa inaan noloshayda kala bar ku qaatay halkaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga