Martin Zubimendi Oo Sharaxay Sababtii Uu Arsenal Uga Doortay Real Madrid.

Arsenal ayaa xaqiijisay saxiixa Martin Zubimendi oo ay kala soo wareegeen Real Sociedad, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu sheegay in qaab ciyaareedka Gunners uu ku soo jiidanayo Emirates.

Heshiiska aadka loo sugayay ayaa lagu dhawaaqay Axadii iyada oo xiddiga 26 jirka ah la filayay muddo bilo ah.

Arsenal ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday Real Madrid oo isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga.

Tababaraha Real Madrid ee Xabi Alonso ayaa taageero weyn u ah xiddiga Khadka dhexe kaas oo uu kula soo shaqeeyay Real Sociedad.

Zubimendi oo xagaagii hore fursad u helay inuu ku biiro Liverpool balse iska diiday ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Mikel Arteta uu ku qanciyay in uu ku soo biiro Arsenal.

“Tani waa tallaabo ad u weyn xirfadayda”ayuu yidhi.

“Waa heshiis aan sugayay, waana mid aan doonayay in aan sameeyo”

“Waxa aan u doortay Arsenal sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka tababarka oo aan aaminsanahay in aan ku oo baxayo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga