Martin Skrtel Oo Liverpool Ka Hor Istaagaya In Ay Hesho Saxiixa Daafac Ay Ku Xalinayaan Dhibaatada Daafaca.

Daaficii hore ee Liverpool Martin Skrtel ayaa daafaca kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar u sheegay in uu iska diido kooxda Liverpool iskana sii joogo kooxdiisa Inter Milan.

Liverpool ayaa ku dhex jirta masiibo dhaawac dhanka daafaca ah kadib markii uu Joe Gomez qolka daawaynta kula biiray Virgil Van Dijk iyaga oo garoomada ka maqnaan doona muddo dheer lagana yaabo in uu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa haysta kaliya hal daafac oo dhexe oo taam ah kaas oo ah Joel Matip waxana uu tababaruhu bartilmaameed ka dhigtay xiddiga Inter Milan ee Skriniar.

Laakiin Skrtel oo Liverpool u ciyaaray 320 kulan Intii u dhexaysayy 2008 ilaa 2016 ayaa xiddiga ay isku dalka yihiin ee Skriniar u sheegay in uu iska diido Liverpool siina joogo Inter.

“Waxa jirta mararka qaar nolosha in uu daafac walbaa wax u fiicnaadaan laakiin sidoo kale waxa jirta mar ayna wax u dhicin sidii aad doonayso”ayuu Skrtel u sheegay Sport Aktuality.

“Marka ay dhacaan waxa muhiim ah in uu xiddigu fal celiye, Skriniar waxa uu marayaa wax sidaas ah Inter Milan”.

“Kulamadii ugu dambeeyay waxa uu lumiyay booskiisa Inter Milan waxana jirta warar badan oo la xidhiidhinaya in uu isaga tago kooxda laakiin wali waa xiddig da’yar ah oo dib u heli karo booskiisa”.

“Inkasta oo ay xiiso u qabto saxiixiisa kooxda Liverpool xalkiisa ugu fiican ayaa ah in uu iska sii joogo Inter Halkaas oo uu magac ku samaystay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*