Martin Odegaard Oo Taariikh Ka Sameeyay Kulanka Chelsea.

Martin Odegaard ayaa sii wata rikoorkiisa cajiibka ah ee marka uu ka Hor Tago Chelsea tan iyo markii uu u saxiixay Arsenal.

Kabtanka Gunners ayaa Mikel Merino ka caawiyay in uu dhaliyo goolka kulanka ay ku badisay Arsenal.

Odegaard ayaa Soo karoosay kubada waxana madax ku dhaliyay hogaanka sidaas ugu dhiibay kooxdiisa.

Xiddiga reer Norway ayaa sameeyay caawintii 5-aad ee kulamada uu ka Hor Tago Chelsea waana caawinta ugu badan ee ciyaartoy sameeyay koox kaliya.

Dhanka kale, waxa uu sidoo kale haatan ka caawiyay Chelsea in ka badan ciyaaryahan kasta oo Arsenal ah taariikhda Premier League.

Odegaard waxa uu la bar-baro ahaan halyeeyada Gunners Cesc Fabregas iyo Dennis Bergkamp ka hor caawintiisii ugu dambaysay kuwaas oo sameeyay min 4 caawin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga