Martin Odegaard Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Arsenal Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa January ee bishan laakiin hal shardi ku xidhay.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa maamulka kooxdiisa Real Madrid u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa Jnauary ee bishan.

Arsenal ayaa dhanka kale Real Madrid wadahadalo la furtay si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga Martin Odegaard iyaga oo kaga horeeya tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Real Sociedad.

Laakiin xiddiga Martin Odegaard ayaa maamulka Arsenal u sheegay in uu doonayo in loo balan qaado in uu kooxda ka heli doono boos joogto ah ka hor inta uuna ku soo biirin kooxda.

Mikel Arteta ayaa Odegaard u doonaya in uu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa si ay ugu dagaalamaan boosaska tartamada yurub ee xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*