Martin Ødegaard ayaa bixiyay war cusub oo ku saabsan dhaawaciisa ka hor kulanka Carabao Cup ee ay Arsenal la ciyaarayso Brighton.
Kabtankaan Gunners ayaa si adag ku bilaabay xilli ciyaareedka cusub, wuxuuna seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawac soo gaaray ciyaartii ay la yeesheen West Ham horraantii bishan.
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa muujiyay rajo taxaddar leh oo ku saabsan inuu kabtanka 26 jirka ahi ciyaari karo ka hor inta aan la gaarin fasaxa caalamiga ah, balse Ødegaard ayaa mar kale ka maqnaan doona kulanka caawa.
Ødegaard ayaa yiri:
“Waan jeclaan lahaa inaan ciyaarto, laakiin wali waxaan ku jiraa howsha soo kabashada.”
Ødegaard ayaa hadalkiisa ku sii daray:
“Wax walba si fiican ayay u socdaan, waxaana sameynayaa horumar weyn. Waxaan bilaabay inaan si dhaqaaq badan u socdo, waxaana usbuucan ku ordayay mashiinka anti-gravity.
“Waa dareen wanaagsan in aan arko dhaawacii oo u socda jihada saxda ah, iyo in maalin kasta marka aan imaado Sobha aan awoodo inaan sameeyo wax ka badan tii hore.”
Be the first to comment