Martin Odegaard Oo Haatanba Go’aanka Ku Aadan Mustaqbalkiisa U Sheegay Asxaabtiida.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba Asxaabtiisa u sheegay in uu doonayo sii joogista kooxda Arsenal wxiii ka dambeeya xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Amaahda uga Maqan Real madrid ayaa noqday xiddigaha ugu fiican Emrirates tan ilaa markii uu amaahda ugu so biiray kooxda waxana uu noqday xiddig ay taageerayaasha Arsenal jecelyihiin.

Qaab ciyaareedka Martin Odegaard ayaa keentay warar sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga laakiin Real Madrid ayaa xiddiga u aragta mid ka qayb ah mustaqbalka kooxda.

Si kasta ha ahaatee wargayska Football.london ayaa sheegaya in Odegaard haatanba dadka u dhaw u sheeegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Arsenal wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Odegaard haatan sugi doono in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixiisa si ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*