Martin Keown Oo Tilmaamay Kulamada Ay Liverpool Dhibco Ku Lumin Doonto Tartanka Premier League.

Liverpool ayaa ah kuwa ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka Premier League laakiin waxa laga yaabaa in ay dhibco lumiyaan kadib kulamada adag ee u soo socda.

Tani waa fikirka Halyeeyga Arsenal ee Martin Keown kaas oo rumaysan in ay kooxdiisu fursad u haysato in ay ku guulaysato premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa 6 dhibcood ka horaysa kooxdii hore ee Keown inkasta oo ay hal kulan oo baaqi ah haystaan.

Keown ayaa horay u sheegay in aanay kooxdiisii hore ee Arsenal ku garaaci Karin Liverpool tartanka premier League xilli ciyaareedkan laakiin rintaas hada wuu badalay.

“Waxa jira kulamo badan oo ay Liverpool ciyaari doonto”yuu sheegay talkSPORT.

“Bar-barihii United ay la galeen ayaa laga yaabaa in ay dhaawacdo kalsoonidooda, shaki la’aan waa kooxda ugu cad-cad laakiin wali kulamo badan ayaa jira”.

“Waxa ay aadi doonaan Man City, Aston Villa Iyo waliba Bournemouth oo garaacday Man City, Tottenham Iyo Arsenal”.

“Sidoo kale waxa ay la ciyaari doonaan Nottingham forest oo ah kooxda kaliya ee ka badisay Liverpool sidoo kale waa in ay la ciyaaraan Fulham Iyo Chelsea kuwaas oo ay dhibco ku lumin karaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga