Martin Keown Oo Arsenal U Sheegay In Ayna Heshiis Cusub Ka Saxiixan Pierre-Emerick Aubameyang & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Kooxda Arsenal ayaa looga digay in ayna ka bad-badin oo ayna heshiis mushahar sare ku kacaya ka saxiixan xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang xilli ay Gunners wadahadalo hordhac leh kula jirto kabtkooda si ay uga saxiixato heshiis cusub.

Kabtanka Gunners ayaa ku dhaw in uu qalinka ku duugo heshiis uu mushahar sare ku qaadanayo xilli uu Mikel Arteta dalbaday in heshiis cusub laga saxiixo xiddiga.

Kadib bilo uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ku guulaysigii Arsenal ee FA Cup-ka ayaa la rumaysanyahay in ay ku qancisay in  uu xiddiga reer Gabon mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

Si kasta ha ahaatee daafacii hore ee Arsenal Martin Keown ayaa kooxdiisii hore uga digay in ay isku abuuraan xaalada Mida Mesut Ozil oo kale ah taas oo ah in ay mushahar badan u qoraan xiddiga kadib kooxda ka saaraan.

“Mikel Arteta kooxda waxa uu joogay muddo ka yar 8 bilood waxana uu kula guulaystay FA Cup-ka, waa qof farqi samayn kara arinta Aubameyan, hadii uu doonayo in uu weeraryahanku sii joogo kooxda saamayn ayuu ku yeelan karaa”.

“Tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery waxa uu sheegay in uuna ka qayb ahayn wadahadaladii Aaron Ramsey”.

“hadaba Arteta waa in uu arimaha heshiis kordhinta ku jiro si uu xiddiga ugu qanciyo”.

“uma malaynayo in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixato Aubameyang hadii uu mushahar aad u sareeya doonayo Hadii kale kooxda waxa qabsanaysa xaalada la mid ah Mida Mesut Ozil”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*