Marka Ay Real Madrid Guul Gaadho Mar Walba Waxa Laga Hadlaa Garsoorayaasha.

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Aitor Karanka ayaa rumaysan in ay dadku marmarsiinyo u sameeyaan Guulaha Real Madrid iyaga oo ka hadla go’aanada Garsoorayaasha.

Los Blancos ayaa udub dhexaad u ahayd go’aano muran badan dhaliyay kulamadii ugu dambeeyay uguna dambeeyay kulankii Axadii ee Athletic Bilbao.

Karanka, oo Caawiye u ahaa Jose Mourinho markii uu joogay Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa kooxda haatan ee Zinedine Zidane iyo muranka VAR.

isaga oo ka hadlaya muranka badan ee ku aadan garsoorayaasha iyo VAR ayuu yidhi”Waxan u malaynayaa in ay waligeedba sheekadan jirtay”.

“Marka ay Real Madrid guul gaadho, garsooraha ayaa mar walba laga hadlaa”ayuu yidhi.

“Waxan u malaynayaa in ay sidii hore tahay Hadii ay VAR Jirto ama hadii kale, marka ay Real Madrid guulo gaadho kooxaha kale waxa ay mar walba ka hadlaan garsoorayaasha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*