Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kulanka Liverpool Vs Man City & Saadaashiisa Oo Ka Nixisay Taageerayaasha Reds.

Halyeeyga Liverpool Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay in Reds ay guuldaro kala kulantay kooxda Man City lagana badin doono Liverpool markii ugu horeeyay kadib 160 kulan oo guuldaro la’aan ah.

Lawrenson ayaa saadaaliyay kulanka adag ee ay Liverpool booqan doonto Man City kulan ka dhici doona Etihad Staduim kana tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Lawrenson ayaa Saadaaliyay in ay Man City garaaci doonto Liverpool markii ugu horaysay tan ilaa May 2016.

Lawrenson ayaa saadaaliyay in ay Man Cityguul 2/0 ah ku garaaci doonto Liverpool Axada kulanka ka dhici doona Etihad.

“Waan Ogahay in aanan marna Liverpool u saadaalin guuldaro laakiin waxa aan dareensanahay in uu kulan weyn yahay labada kooxood gaar ahaan Liverpool oo aan daafac fiican haysan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*