Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Ee Newcastle United, Kadib Guuldaradii North London Derby.

Khabiirka ciyaaraha ee BBC Mark Lawrenson ayaa dareensan in Arsenal ay ku dhibtoon karto kulanka Newcastle United ka dib markii ay xalay guuldaro 3/0 ah kala kulmeen Tottenham.

Goolal ay dhaliyeen Harry Kane iyo Son ayaa Tottenham ka caawiyay in ay garaacdo Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 36-aad.

Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Arsenal haatan kaliya hal dhibic ka horayso Tottenham tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad ee loogu soo baxayo champions League.

Lawrenson ayaa rumaysan in guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Tottenham ay haatan cadaadis saari doonto kooxda Arsenal kulanka Newcastle ee Isniinta.

“Arsenal waxa ay soo qaadatay habeen adag kulankii North London Derby, laakiin qalbiga kuma sii hayn karaan wixii dhaca kulankii Tottenham”.

“Kadib guuldarada, Tottenham ayaa ugu cad-cad kalainta 4-aad marka loo eego kulamada u hadhay Labada kooxood”.

“Aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in ay ku dhibaatoon doonto kulanka Newcastle ee Isniinta Kadib guuldaradii Tottenham”ayuu sii raaciyay.