Mario Balotelli Oo Dalab La Yaab Leh Ku Xidhay Koox Doonaysa Adeegiisa, Muxuu Dalbaday?

Weeraryahankii hore ee kooxaha Liverpool, Man City, Inter Milan iyo Ac Mialn ee Mario Balotelli ayaa dalab la yaab leh ku xidhay koox doonaysay adeegiisa si ay u hesho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mario Balotelli ayaa mar kale xaday ciwaanada wargaysyada isaga oo dalab qariib ah ku xidhay kooxda reer Brazil ee Flamengo kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda reer Brazil ee Flamengo ayaa Mario Balotelli u soo bandhigtay heshiis 2 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 5 milyan oo Dollar.

Laakiin 29 jirka muranka badan ee reer Italy ayaa kooxda reer Brazil ku xidhay shardi ah in ay la soo saxiixdaan walaalkiisa Enock kaas oo uu doonayo in uu u ciyaaro kooxda Boavista oo ah kooxda 2-aad ee Flamengo kuwaas oo ka ciyaara heerka Serie D-da.

Balotelli ayaa xitaa kooxda reer Brazil ku xigay in uu walaalkiis Enock ugu yaraan u ciyaaro 10 kulan oo kooxda Boavista si uu ugu biiro kooxda Flamengo.

Advertisements

Enock ayaa Balotelli kula biiray Man City kana ciyaarayay da,yarka kooxda markii uu Isagu ka ciyaarayay kooxda 1-aad ee kooxda reer England laakiin Enock ayaa ku fashilmay in uu kooxda 1-aad u soo dalaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*