Maresca Oo Shaaciyay Xiddig Chelsea Ka Maqnaan Doona Kulanka Newcastle.

Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in Estevao uusan diyaar u noqon doonin kulanka soo socda ee Chelsea ay la ciyaarayso Newcastle ee horyaalka Premier League, sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Ka dib markii uu beddel ku soo galay kulankii ay la ciyaareen Everton, Estevao laguma darin liiska ciyaartoyda ee Maresca kulankii habeenkii Talaadada, markaas oo Chelsea ay 3–1 kaga adkaatay Cardiff City, kuna gaartay semi-finalka Carabao Cup.

Alejandro Garnacho ayaa dhameystiray laba gool qeybtii labaad kaddib markii lagu soo beddelay nasashada, isaga iyo Pedro Neto, kaas oo isna dhaliyay goolka kale ee martida ee garoonka Cardiff City Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, warka ku saabsan dhaawaca Estevao ayaa wax yar hoos u dhigay farxaddii habeenkaas oo guud ahaan u ahaa mid wanaagsan Blues-ka.

Weeraryahanka 18-jirkan ah ayaa si weyn u iftiimay xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda, isagoo dhaliyay shan gool islamarkaana sameeyay hal caawin, 21 kulan oo uu saftay.

Markii wax laga weydiiyay sababta Estevao uusan uga soo muuqan kulankii Cardiff, Maresca ayaa wariyeyaasha u sheegay.
“Waxa uu qabaa dhibaato yar”ayuu Yidhi Maresca.
“Waxa uu dhaawac ka qabaa muruqa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga