Marcus Rashford Oo Saadaalin Ka Bixiyay Edinson Cavani Kadib Markii Uu Ku So Biiray Red Devils.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa amaanay saxiixa cusub ee kooxda Man United Edinson Cavani isaga oo sheegay in uu xiddig weyn u noqon doono Man United xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga reer Uruguay ayaa ku soo biiray Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga isaga oo ugu soo biiray heshiis hal sano ah.

Isgaa oo ka hadlaya ku biirista Cavani ee Man United ayuu Rashford u sheegay Sky Sport”Ka weeraryahan ahaan, imaatinka Cavani waa wax aan sugayay”.

“Waxan rajaynayaa in uu goolal u dhaliyo kooxda Sababta oo ah wuu na caawin karaa si aan u helno dhibco”.

“Waxa uu noqon karaa xiddig weyn oo xilli ciyaareedkan ah”.

“Si aad ugu guulaysato koobab waxa aad u baahantahay xiddigo kaa caawin kara gool dhalinta todobaad walba”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*